Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka niyad jabsantahay kooxda chelsea kuwaas oo si qarsoodi ah saxaafada ugu gudbinaya dalabyada ay ka diidayaan ee ku aadan xiddiga Mason Mount.
Red Devils ayaa laga diiday dalabkii 3-aad oo ay ka gudbisay Mount Jimcihii kadib markii ay sheegeen in uu dalabkaas yahay midkii ugu dambeeyay ee ay ka gudbiyeen xiddiga.
Si kasta ha ahaatee kooxda Erik Ten Hag ayaa la filayaa in ay sii wadaan wadahadalada ay kula jiraan chelsea si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, United ayaa ka Niyad jabsan dhaqanka chelsea ee ah in ay si hoose saxaafada ugu gudbinayaan dalabyada ay ka diidaan Red Devils.
Sidoo kale kooxda Man United ayaa aaminsan in ay Chelsea dalbanayso qiimo ka badna mida macquulka ah marka la eego in heshiiska xiddiga ka dhimantahay kaliya hal sano.
Man United ayaa wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea.

Related



Source link