Manchester United ayaa beenisay wararka sheegaya in qolka labiska uu ka kacay isku dhac xiddigaha kooxda kadib kulankii Brighton.
Red Devils ayaa dharbaaxo kale ku dhacday xilli ciyaareedkooda cusub kadib markii ay guuldarro 3-1 ah kala kulantay Brighton.
United, oo aad uga walaacsan warka ku saabsan in Aaron Wan-Bissaka uu garoomada ka maqnaan doono muddo labo bilood ah, ayaa hoos u dhigtay wararka xanta ah ee kooxda.
Sida laga soo xigtay The Sun, afar ciyaaryahan oo United ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen kadib guuldaradii Brighton.
Si kastaba ha ahaatee, The Mail ayaa sheegaysa in United ay si cad u beenisay wararka iyadoo sheegtay inaysan run ahayn.
Daafacyada Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ayaa ah labo ka mid ah kuwa lagu eedeeyay inay isku dhaceen kadib ciyaarta.
Related