Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay iska dhaaftay fursadii ay kula soo wareegi lahayd Declan Rice iyadoo shaki laga muujinayo awoodiisa.
Rice ayaa ugu danbeyn dhamaystirtay heshiis rikoodh ah kadib markii uu 105 milyan ugu soo biiray Arsenal shalay iyaga oo soo afjaray heshiis si weyn loo hadal hayay.
Kahor inta uusan ka soo wareegin Bariga una soo wareegin Waqooyiga London, ciyaaryahanka khadka dhexe ee England waxaa lala xiriirinayay Man Utd marar badan.
ilaa sanadkii 2021, Tababarihii hore ee Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay saxiixa Declan Rice isaga oo doonayay in uu ku xoojiyo khadka dhexe.
Markii uu furmay suuqa xagaaga, Man United ayaa isku dayday saxiixa xiddiga laakiin Rice ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Arsenal.
Laakiin Man United ayaa iska dhaaftay fursad ay kula saxiixan lahayd Declan Rice sabab la xidhiidha in ayna ku kalsoonayn awoodiisa ciyaareed.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.
Related