Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Nottingham Forest kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaa horyaalka premier League.
Nottingham Forest ayaa si dar-dar leh ku bilabatay ciyaarta iyaga oo weeraro kaga naxsaday kooxda Man United.
Daqiiqadii 2-aad ayay Nottingham Forest dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Taiwo Awoniyi kaas oo hogaanka u dhibay kooxdiisa.
Nottingham ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 4-aadba dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta waxna u dhaliyay xiddiga Willy Boly kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Man United ayaa yaabtay waxana ay bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool.
Daqiiqadii 17-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Christian Ariksen kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ahayd kooxda fiican laakiin Forest 2 gool ku hor martay.
Qaybta dambe ayay Man united ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo fursado samaynayay.
Daqiiqadii 52-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha ee 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Man United ayay rajo gashay waxana ay bilaabeen in ay awood ku weeraraan kooxda Forest iyaga oo doonayay goolal kale.
Daqiiqadii 67-aad ayaa Forest kaadhka cas looga saaray xiddigaJoe Worrall kaas oo saaxiibadiis kaga tagay 10 xiddig.
Man United oo sii wada weerarka aan kala joogsi lahayn ayaa sii waday raadinta goolal kale.
Daqiiqadii 76-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana rikoodhe u badalay gool xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay kooxdiisa.
Wxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Man United guul ay u qalmeen oo soo laabasho leh ka gaadheen Nottingham Forest.
Related