Man United ayaa garaacday kooxda Crystal Palace kulan ka tirsana wareega 3-aad ee tartanka Carabao cup-ka kana dhacay Old Trafford.
Red Devils ayaa guul ku bilaabatay difaacashada Carabao cup-ka oo ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaarta ayaa ahayd mid ay labada kooxoodba doonayeen in ay dhaliyaan goolal xilli ay Man United maamulayso ciyaarta.
Daqiiqadii 21-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dilaan iyaga oo qaadayay weerar aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 27-aad ayay United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ahayd kooxda fiican kana awooda badan kooxda Crystal Palace.
Qaybta dambe ayay United ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan si ay uga fogaadaan soo laabasho.
Daqiiqadii 55-aad ayay Man United heshay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay United ku hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay kooxda Man United oo guul ku bilaabatay difaacashada koobka ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.

Related



Source link