Kooxda Manchester United ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo.
Red Devils ayaa ka fiirsatay in ay dalab ka gudbiso xiddiga reer Ecuadro kadib markii ay ka baxday taranka Saxiixa Mason Mount kadib markii ay Chelsea ka diiday laba dalab bilowgii bishan.
Laakiin Red Devils ayaa dalab 3-aad kula laabatay chelsea taas oo keentay in ay labada kooxood ugu dambayn ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay Metro, Kooxda Man United ayaa go’aansatay in ay ka baxdo tartanka xiddiga Caicedo maadama uu Mount ahaa bartilmaameedka 1-aad.
Moises Caicedo ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Brighton iyada oo uu suuqii January aad ugu dhawaaday in uu ka tago kooxda kuna dhawaaday Arsenal.

Related



Source link