Manchester United ayaa isku dayi doonta in ay iska ilaaliso rikoor 44-sano jir ah marka ay wajahayaan Brighton & Hove Albion galabnimada Maanta.
Red Devils ayaa Old Trafford ku soo dhawaynaysa kooxda Seagulls kulan ka tirsan horyaalka Premier league kadib markii ay qaab ciyaareed liita ku bilaabatay afar0tii kulan ee hore.
Erik ten Hag wiilashiisa ayaa soo galaya kulanka iyaga oo la kulmay laba guuldaro iyaga oo ku jira qaybta dambe ee kala saraynta horyaalka.
Man United ayaa 2 gool looga hor maray kulankii Nottingham Forest iyaga oo 2-da gool looga dhaliyay 4 daqiiqo gudohood.
Si kasta ha ahaatee 3-da natiijo ee hore ayaa la macno ah in ay dhigi karto rikoodh aan la arkin 44 sano.
Haddii Brighton ay ugu yaraan labo ku dhaliso Old Trafford waxa ay noqon doontaa in United laga dhaliyo goolla badan 4 kulan oo xidhiidh ah horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 1979.

Related



Source link