Man United ayaa diyaar u ah inay dalab cusub ka gudbiso weeraryahanka Atalanta Rasmus Hojlund, sida ay xaqiijisay The Telegraph.
Red Devils ayaa doonaysa in ay la soo wareegto weeraryahanka kana dhigto dookha 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Man United ayaa aaminsan in dalab ku dhow 50 milyan oo euro uu ku filnaan doono inay kooxda reer Talyaani ku qanciso inay iibiso.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska lama dhamaystiri karo ilaa xal laga gaadho xaalada iibka kooxda.
Erik ten Hag ayaa u arka Hojlund bartilmaameedkiisa mudnaanta leh iyada oo la aaminsan in ay lacag badan u baahantahay kooxdu hadii ay isku daydayo saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Randal Kolo Muani.
Weeraryahanka reer Denmark oo la bar-bar dhigo Erling Haaland ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 12 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale.

Related



Source link