Kooxda Man United ayaa ka yaabisay taageerayaasheeda kadib markii ay dhamaystirtay saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Man United heshiis wakhti yar ah ka saxiixatay xiddigeedii hore ee Jonny Evans.
Isla saxafiga ayaa sheegay in xiddiga Jonny Evans Man United kala qayb qaadan doono kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee America.
Jonny Evans oo xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Man United ayaa qaab xor ah uga tagay kooxda Leicester City.
Xiddiga ayaa tababar la qaadanayay kooxda da’yarka iyo waliba kooxda 1-aad waxana uu si weyn u qanciyay tababaraha kooxda Man United ee Erik Ten Hag.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.

Related



Source link