Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab lama filaan ah ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee William Saliba ka hor intii uuna xididgu ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.
Saliba ayay hal sano uga dhimantahay heshiiskiisa haatan ee Arsenal kooxda kaalinta 2-aad ka gashay Premier League ayaana ka wal-walsanayd mustaqbalka xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa ugu dambayn horumar ka samaysay wadahadalada ay heshiiska kaga saxiixanayso waxana uu ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.
Sida laga soo xigtay RMC Sport, Man United ayaa si lama filaan ah dalab uga gudbisay saxiixa Saliba ka hor intii uuna heshiis cusub oo Arsenal ah ogolaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Man United xitaa dirtay dalab 27 milyan oo euro oo ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe si ay u hesho saxiixiisa.
Laakiin xiddiga ayaa iska diiday Man United waxana uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Related



Source link