Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 55 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Mason Mount sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo kooxda Arsenal iyo Liverpool kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga.
Kubadsameeyaha reer England ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo 12 bilood ka dhimantahay heshiiskisia Blues.
Mount ayaa diiday labadii dalab ee ugu dambeeyay ee ay chelsea doonaysay in ay heshiis cusub kaga saxiixato si ay ugu sii hayso kooxda.
Xiisaha loo qabo ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan ahayn mid yar iyada oo ay kooxaha Arsenal, Liverpool, Newcastle iyo Manchester City ay dhamaantood isha ku hayaan kubadsameeyaha.
Laakiin Man United ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyaga oo diyaarinaya dalab 55 milyan ah sida laga soo xigtay Daily Mail.

Related



Source link