Man United ayaa lagu so waramyaa in ay dalab furitaan ah ka gudbinayso saxiixa xiddiga Randal Kolo Muani, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jarmalka.
Erik ten Hag ayaa aad u doonaya in uu la soo saxiixdo weeraryahan sare xagaagan waxana uu u aqoonsaday Harry Kane in uu yahay mudnaantiisa.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa rajo xumo ka qabta fursada ay Spurs ugu qancin karto inay ka iibiyaan xiddiga Kane.
Man United ayaan doonayn in ay kaliya wakhtiga ku lumiso Baacsiga Kane waxana ay doonayaan in ay sameeyaan saxiixyo kale.
Sidaas darteed wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Man United dalab ka gudbinayso xiddiga Mauni.
Weeraryahanka Frankfurt ayaa dhaliyay 23 gool 45 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore waxana uu wacdaro ka dhigay koobkii adduunka ee France.

Related



Source link