Kooxda Man United ayaa dalab cusub ka gudbisay Goolhayaha Inter Milan ee Andre Onana sida ay sheegayaan wararku.
Laakiin qiimaha cusub ee Man United ayaa wali ka hooseeya lacagta ay doonayso kooxda Inter Milan si ay u iibiso xiddiga Andre Onana.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Erik Ten Hag waxana uu doonayaa in uu ku buuxiyo booska David De Gea kaas oo xor ah haatan kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.
Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay iibiso Goolhayaha marka la eego in ay 12 bilood ka hor kula soo wareegtay lacag la’aan laakiin wali waxa ay filayaan lacag badan.
Man United ayaa dalab 39 milyan ah miiska u saartay Inter si ay u hesho Goolhaye Onana laakiin Inter Milan ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.
Inter ayaa qiimah cusub ee Man United ku tilmaamay mid aad uga hooseeya qiimaha ay doonayaan oo dhan 50 milyan oo euro.

Related



Source link