Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay Arsenal kula tartanto saxiixa Declan Rice waxayna u soo bandhigi doontaa Harry Maguire ama Scott McTominay West Ham United si ay qayb uga noqoto heshiiska.
Arsenal ayaa laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe Declan Rice si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin sida haatan laga soo xigtay Telegraph, Man United ayaa dajinaysa qorshe ay xiddig iyo lacag isugu raacinayso si ay u hesho Rice waxana ay diyaar u tahay in ay miiska saarto midkood xiddigaha Maguire ama McTominay.
West Ham ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga McTominay kaas oo ka mid ah xiddigaha ka tagi kara kooxda Man United suuqa xagaagan.
Tababaraha West Ham ayaa sidoo kale la aaminsanyahay in uu taageere u yahay kabtanka man United ee Maguire kaas oo ka tagi kara kooxda xagaagan.
Waxa la sugayo ayaa ah hadii ay West Ham aqbali doonto dalabka Man United ee xiddiga iyo lacagta ah ama in ay dalban doonto kaliya lacag kaash ah.
Related