Kooxda Man United ayaa ugu dabayn chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga Mason Mount sida ay sheegayaan wararku.
Erik ten Hag ayaa u aqoonsaday Mount inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sareeya xagaaga dhowr bilood ka hor laakiin United ayaa ku dhibtoonaysay inay heshiis la gaarto Chelsea.
Man United ayaa laga diiday dalabkii 3-aad todobaadkii hore oo ahaa 55 milyan oo euro iyada oo Blues doonaysay lacag ku dhaw 70 milyan oo euro.
Laakiin Man United ayaa haatan ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 55 milyan oo euro iyo 5 milyan oo gunooyin ah.
Sida laga soo xigtay The Athletic, chelsea ayaa haatan Mason Mount ogolaansho u siiyay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United.
Mount ayaa galaya 12-kii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda chelsea waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Related



Source link