Kooxda Man United ayaa Atalanta kala heshiisay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Rasmus Hojlund
Labada Kooxood ayaa haatan ka wadahadalaya sidii loo bixin laha alacagta iyada oo United ogolaatay in ay bixiso 60 milyan oo euro.
Xiddiga reer Denmarka ayaan ciyaarin kulankii Atalanta ee saaxiibtimada isaga oo isku diyaarinaya in uu u dhaqaaqo Old Trafford.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Kooxda Man United ah oo uu taageeri jiray ilaa yaraantiisii.
Xiddiga Rasmus Hojlund ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samayso kooxda Man United suuqa xagaagan kadib Onana iyo Mount.

Related



Source link