Declan Rice ayaa diyaar u ah inuu caddeeyo ama kala doorto kooxda uu ku biirayo xagaaga xilli ay Arsenal iyo Man United isku diyaarinayaan in ay ku dagaalamaan saxiixiisa.
Kabtanka West Ham ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedka waxana uu doonayaa in uu kooxda kula guulaysto koobk Europa Conference League.
Sida laga soo xigtay Mirror, Rice ayaa doonaya in uu sii joogo magaalada London sidaas darteed waxa uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Arsenal halkii uu ku biiri lahaa Man United.
Gunners ayaa diyaarinaysa dalab 80 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer England kaas oo ay kooxdiisa West Ham ku qiimayso lacag intaas ka badan.
Man United ayaa Arsenal kula biirtay tartanka laakiin xiddiga reer England ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa xagaaga.
Arteta ayaa taageere weyn u ah xiddiga reer England waxana uu u arkaa badalka mustaqbalka fog ee xiddigaha Thomas Partey iyo Granit Xhaka.

Related



Source link