Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ku dhaw in ay helaan bartilmaameedkooda 1-aad ee weerarka suuqa kala iibsiga xgaagan sida ay sheegayaan wararku.
Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in ay kooxaha Man United iyo Atalanta ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan qiimaha xiddiga Rasmus Højlund.
Kooxda Man United ayaa dlaab 60 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Denmarka si ay u hesho saxiixiisa.
Romano ayaa sheegay in ay labada kooxood haatan ku jiraan wadahadalo horumar leh kuna dhawyihiin in ay si buuxda uga heshiiyaan saxiixa xiddia.
Arinta cadaynta u ah in ay United ku dhawdahay saxiixa xiddiga ayaa ah in Atalanta xiddiga Rasmus Højlund ka reebtay Xiddigaha maanta ka qayb galaya kulanka Bournemouth ee saaxiibtinimada.
Sii Akhriso: DEG-DEG: 4 Sarkaal Oo Loo Xidhay Qaraxii Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho Todobaadkii Hore.

Related



Source link