Harry Kane ayaa u sheegay Bayern Munich inuu doonayo inuu ku biiro kooxda reer Germany sida uu sheegay madaxweynihii hore ee kooxda Uli Hoeness.
Bayern Munich ayaa laga diiday 2 dalab oo ay ku doonaysay kabtanka Tottenham iyada oo dalabkii ugu dambeeyay ahaa 68.5 milyan euro iyo waliba gunooyin.
Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga oo uu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda waxana ay doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga.
Sida laga soo xigtay madaxweynihii hore ee Bayern Munich Hoeness ayaa sheegay in uu Kane kooxda Bayern Munich u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda reer Germany.
“Harry Kane sida cad waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Bayern Munich”ayuu Hoeness yidhi.
“Waxa uu doonayaa in uu ka ciyaaro champions League, Nasiib wanaag Tottenham kama ciyaarto tartanka sidaas darteed waxa uu doonaya in uu yimaado koox u tartamaysa champions League”.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.

Related



Source link