Kooxda Man City ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka premier League iyaga oo garaacay kooxda Fulham kulan ka dhacay Etihad Stadium.
Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.
Daqiiqadii 31-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Laakiin Fulham ayaa daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Tim Ream kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Man City ayaa bilowday in ay raadiso goolal ay ku hogaamiso ciyaarta mar kale iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 45+5-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nathan Ake kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay City ku hogaaminayso ciyaarta kuna ahayd kooxda fiican.
Qaybta dambe ayay City ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ku dilaan.
Daqiiqadii 58-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Haaland uu ka dhigay ciyaarta 3/1 ay Man City ku hogaaminayso.
Man City oo xaqiiqsatay in ay gacanta ku dhigeen ciyaarta ayaa ciyaaraysay kubad baas-baas ah.
Man Cit ayaa daqiiqadii 90+5aad dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo dhaliyay saddexley goolal ah.
Daqiiqadii 70-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guusheedii 4-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Dhinaca kale Dhibaatadii chelsea ee natiijooyinka ayaa sii socota iyaga oo guuldaro xanuun badan kala kulmay kooxda Nottingham Forest kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Related



Source link