Manchester City ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda RB Leipzig si ay u helaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara Josko Gvardiol.
Xiddiga reer Croatia ayaa heshiiskiisa RB Leipzig lagu bur-burin karaa lacag dhan 98 milyan oo euro waxana uu dhacayaa sanadka 2027.
City ayaa haatan wadahadalo kula jirta kooxda Leipzig si ay ugala hadasho qiimaha macquulka ah ee ay ku heli karto Gvardiol.
Daafacan ayaa lala xiriirinayay kooxo badan oo Premier League ah 18-kii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana uu ku dhawaaday inuu ku biiro Chelsea sanadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, City ayaa haatan loo arkaa inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa daafaca dhexe.
Guardiola ayaa xiddiga reer Croatia u arka badalka macquulka ah ee Aymeric Laporte kaas oo la filayo in uu ka tago kooxda Man City.

Related



Source link