Kooxda Man City ayaa bilowday dar-dar galina xoojinta kooxda iyaga oo doonaya in ay suuqa galiyaan lacagtii ay ka heleen xiddigihii ay iska iibiyeen.
Kooxda Man City oo lumisay xiddiga Riyad Mahrez oo ku biiray sucuudiga ayaa bilowday in ay raadiso badalkiisa.
Man City ayaa badalka Riyad Mahrez ka heshay horyaalka premier League iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqdo saixixa xiddiga kooxda Brighton ee Kaoru Mitoma.
Man City ayaa Kaoru Mitoma u aragta badalka ugu haboon ee Riyad Mahrez kaas oo kooxda kaga biiray Al-Ahli.
Sida laga soo xigtay Wargayska The Sun, Man City ayaa si lama filaan ah saacadaha soo socda dalab uga gudbinaysa xiddiga reer Japan.
Isla wargayska ayaa aaminsan in heshiiska shaqsiga ah uuna wax dhibaato ah noqon doonin Laakiin ay tahay in ay heshiis la gaadho kooxda Brighton.

Related



Source link