Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Al-Ahli si ay uga iibiso garabka Riyad Mahrez kaas oo ay ku iibinayso 40 milyan oo euro.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa horay looga diiday dalab 18 milyan ah oo ay ku doonaysay xiddiga reer Algeria.
Si kasta ha ahaatee Al-Ahli ayaa ku soo laabatay baacsiga xiddiga iyaga oo miiska saaray lacag dhan 35 milyan oo euro iyo 5 milyan oo gunooyin ah.
City ayaa Salaasadii xaqiijisay in uuna Mahrez ka mid ahayn xiddigaha u safray japan iyo South Korea isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Mahrez ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Al-Ahli khamiista ka hor inta uuna si Rasmi ah ugu biirin kooxda ka ciyaarta sucuudiga.

Related



Source link