Daafaca dhexe ee RB Leipzig Josko Gvardiol ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu heshiis shaqsi ah la gaaro Manchester City.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn.
Josko Gvardiol ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda chelsea laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda RB Leipzig.
Xiddiga reer Croatia ayaa haatan si weyn loola xidhiidhinayaa in uu dhaqaaqayo kooxda Man City kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga daafaca dhexe.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Kooxda Premier League ku guulaystay ayaa ku dhaw in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga daafaca dhexe.
Xiddiga Josko Gvardiol ayaa aad ula dhacsan kooxda Man City waxana uu doonayaa in uu ka hoos ciyaaro tababare Guardiola xilli ciyaareedka dambe.
Related