Manchester City ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee RB Leipzig Josko Gvardiol xagaagan sida laga soo xigtay FootballTransfers.
Pep Guardiola ayaa u arka xiddiga reer Croatia u arka badalka Aymeric Laporte, kaasoo ay u badan tahay inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
City ayaa Haatanba wadahadalo la furtay xiddiga ay Gvardiol isku xulka yihiin ee Mateo Kovacic waxana ay wararku sheegayaan in arintaas ay city u fududayn doonto in ay hesho saxiixa daafaca Gvardiol.
Qayb ka mid ah fekerka Guardiola ayaa ah in saxiixa Kovacic uu kooxdiisa ka caawin karo saxiixa xiddiga Gvardiol kaas oo wacdaro ka dhigay koobkii adudunka.
Xiddiga Gvardiol ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba sidoo kale garabka daafac waana xiddig uu Guardiola u arko mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa.
Related