Manchester City ayaa jeebka ku shuban doonta lacag ka badan 160 milyan oo euro kadib markii ay ku guulaysteen premie rLeague halka kooxaha chelsea iyo Liverpool khasaare weyn sugayaan kadib markii ay ku fashilmeen in ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu saraysa premier League.
Man City ayaa ku guulaystay horyaalka waxana ay la ciyaari doontaa final-ka FA Cup-ka kooxda Man United ka hor final-ka ay la ciyaari doonaan Inter Milan.
Xilli ay doonayaan in ay noqdaan kooxdii 2-aad ee reer England ah ee saddexley koobab ah dhamaystirta xilli ciyaareed kaliya Kadib United 1999 hadana waxa ay heli doonaan lacag aad u badan.
Ku guulaysiga Man City ee horyaalka ayaa u dhiganta wax ka badan 160 milyan oo euro halka ku guulaysiga champions League ay heli doonaan lacag dhan 100 milyan halka ay 4 milyan ka heli doonaan ku guulaysiga FA Cup-ka hadii ay garaacaan United.
Laakiin kooxaha qaar ayaan helayn lacag marka la eego in ay liverpool ku dhamaystay kaalinta 5-aad waxana ay khasaari doontaa ugu yaraan 50 milyan oo euro maadama ayna u soo bixin champions League halka ay chelsea khasaari doonto lacag dhan 60 milyan oo euro.
Dhammaan 32-da kooxood ee Champions League heerka Group-yada waxay sameeyaan €15.6m (£13.5m) oo ah ka qayb galka tartanka iyada oo ka qayb galka Liverpool ee 10-kii sano ee ugu dambeeyay u qalmo 27.3 milyan euro oo u dhiganta (£23.7m), halka Chelsea-na ay ahayd €32m (£27.8) m). Waxa ay sameeyeen €2.8m (£2.4m) mid kasta oo ka mid ah guulihii ay gaareen heerk Group-yada iyo €9.6m (£8.3m) oo ay ugu soo baxeen wareega 16ka.
Liverpool ayaa wali laga yaabaa inay 15 milyan euro ka hesho ka qayb galka Europa League xilli ciyaareedka soo socda laakiin Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartamada yurub.

Related



Source link