Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan horyaalka premier League.
City oo si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha xidhiidhka ah ee premier League.
Kulanka: Man City Vs Nottingham Forest
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 5:00
Garoonka: Etihad Staduim
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Manchester City lagama badinin lix kulan oo ay La ciyaartay kooxda Nottingham Fores tan ilaa guuldaradii 3/2 ahayd ee heerka 2-aad ee December 1997.
Guushii ugu dambeysay ee Nottingham Forest ay ka gaarto Manchester City tartamada oo dhan waxay ahayd 3-0 oo ay ku garaacday Etihad Stadium wareegii saddexaad ee FA Cup bishii January 2009.
City ayaa isha ku heysa inay barbareyso rikoorkeeda guulaha lix kulan oo isku xigta bilowgii xilli ciyaareedka Premier League oo ay dhigtay 2016 rikoodhka intaas ka dheer ee ay dhigtay ayaa ka dhacay heerka 2-aad intii u dhexaysay 1897-98 iyaga oo badiyay 7 kulan.
Manchester City ayaa badisay dhammaan 19-kii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay sanadka 2023, waxayna dhaliyeen 63 gool.
Kaddib markii ay garaaceen Chelsea kulankoodii ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen kooxda Nottingham Forest ayaa heli karta guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada martida markii ugu horaysay tan ilaa March ilaa April 1995.

Related



Source link