Kooxda Man City ayaa Declan Rice waydiisay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxdooda ka hor inta ayna dalab Rasmi ah ka gudbin saxiixiisa sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa dalab 3-aad ka gudbinaysa xiddiga Rice iyada oo uu Arteta ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Gunners ayaa horay looga diiday 2 dalab taas ayaana albaabada u furtay kooxda Man City kuwaas oo diyaarinaya dalabkoodii ugu horeeyay.
Sida laga soo xigtay Mirror, Man City ayaa doonaysa in ay hesho balan-qaad ah in uu Rice diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo Etihad ka hor inta ayna dalabka ka gudbin.
Waxa la fahamsanyahay in Rice uu doorbidayo in uu ku biiro Arsenal laakiin taasi waxa ay ahayd ka hor intii ayna Man City si cadaan ah ugu soo biirin tartanka xiddiga.

Related



Source link