Kooxda Man City ayaa gabi ahaan isaga baxday tartanka ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa maanta dalabkii 3-aad ka gudbisay saxiixa Rice kaas oo ah 105 milyan oo euro marka lacagta la isku daro.
Man City ayaa horay looga diiday dalab furitaan ah oo dhan 90 milyan oo euro kaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man City ayaan dalab cusub ka gudbin doonin Rice waxana ay si Rasmi ah uga baxday tartanka xiddiga khadka dhexe.
Man City ayaa diiday in ay la kulanto dalabka 3-aad ee Arsenal sidaas darteed waxa ay dareenkeeda u jeedin doontaa bartilmaameedyo kale.
Sii Akhriso: Qaybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Aan Laga Ciidin Ciidul Adxada, Sabab.

Related



Source link