Kooxda Man CIty ayaa dalab rikoodh ah ka gudbisay xiddiga kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol sida laga soo xigtay Wargayska SportBild.
Man City ayaa wadahadalo kula jirta kooxda RB Leipzig si ayu hesho daafaca dhexe muddo todobaadyo ah waxana ay la gaadhay heshiiska shaqsiga ah.
Inkasta oo ay jireen warar Sheegaya in ay City ku guulaystay saxiixa xiddiga hadana Leipzig ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin Man City.
Leipzig ayaa doonaysay in ay xiddiga ku iibiso 100 milyan oo euro taas oo ka dhigays daafaca ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.
Haatan wargayska SportBild ayaa sheegaya in ay City ugu dambayn gaadhay qiimaha ay RB Leipzig dalbanayso kadib markii ay miiska saartay 90 milyan oo euro iyo 10 milyan oo gunooyin ah.
Leipzig ayaan wali aqbalin dalabka maadama ay doonayso in lacagta gunooyinka ah noqdaan kuwo si fudud loo gaadhyo Laakiin City ayaa ku sii dhawaanaysa saxixia daafaca dhexe ee uu Guardiola sida aadka ah u doonayo.
Related