Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeelato xiddiga weerarka uga ciyaara Erling Haaland bilaha soo socda.
Xiddiga 23 jirka ah ayaa wakhti fiican ku qaatay City tan ilaa xilli ciyaareedkii hore markii uu kaga soo biiray Dortmund.
Haaland ayaa door weyn ka qaatay ku guulaysiga Man City saddexleyda koobabka ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 52 gool 53 kulan oo uu ciyaaray.
Xiddiga reer Norway ayaa xilli ciyaareedkan sii watay qaab ciyaareedkii fiicnaa waxana uu dhaliyay 8 gool 7 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Haaland ayuu 4 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Man City laakiin kooxda ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga da’yarka ah.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man City ayaa doonaysa in ay wadahadalo la furto xiddiga si ay uga saxiixato heshiis cusub oo wakhti fig ah.

Related



Source link