Paul Merson ayaa saadaaliyay tartanka horyaalka premeir League xilli bilaabashada xilli ciyaareedku fooda inagu soo hayoe.
Man City ayaa isku dayi doonta ku guulaysiga horyaalka markii 4-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay Arsenal ku garaacday horyaalka xllli ciyaareedkii hore.
Gunners ayaa hogaaminaysay inta badan xilli ciyaareedka laakiin ugu dambayntii waxa ay 5 dhibcood ka dambaysay kooxda Man City.
Man United ayaa ku dhamaysatay kaalinta 3-aad xlii ciyaareedkii ugu horeeyay ee Erik Ten Hag xilli ay Newcastle ku dhamaystay kaalinta 4-aad.
Isaga oo qiimayanaya tartanka horyaalka Merson ayaa yidhi”Ma arki karo koox aan Man City ahayn oo ku guulaysan karta horyaalka”.
“Arsenal ayaa mar kale kula tartami doonta laakiin Kaydka Man City ayaa ah mid xoogan, Declan Rice-na waxa uu u baahan doonaa in uu la qabsado qaab ciyaareedka Arenal”.
“Liverpool dhinaceeda uma arko in ay Man City kula tartami doonaan horyaalka”.
“Man United waxa ay ku xidhnaan doontaa hadii ay la soo saxiixdaan Harry Kane, hadii ay sidaas sameeyaan waxa ay ku tartami doonaan horyaalka hadii kale waxa ay u dagaalami doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa”.
“Chelsea uma arko in ay xitaa gali doonto 4-ta boos ee ugu sareeya sababta oo ah waxa ay iska iibiyeen xiddigo badan, iskumana dheeli tirna kooxdu”.
Related