Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in war xun ka heshay xaalada xiddig kooxdeeda ah ka hor dib u soo laabashada kulamada kadib fasaxa xulalka.
Xiddigaha Malo Gusto & Moises Caicedo ayuu soo gaadhay dhaawaca intii uu socday kulamada caalamiga ah.
Malo Gusto iyo Moises Caicedo ayaa matalay xulalkooda France iyo Ecuador intii lagu jiray waajibaadka xulalka.
Sida laga soo xigtay football.london, labada xiddig ayaa ku biiray Liiska kooxda chelsea ee dhaawacyada.
Xaaladan ayaa ah mid ku adag tababaraha chelsea kaas oo ay kooxdiisu haatanba la dhibaatoonayso dhaawacyo kala duwan.
Labada xiddig ayuu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshohooda kulanka ay Blues la ciyaarayso kooxda Bournemouth kadib fasaxa xulalka.

Related



Source link