Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Al-Ahli ayaa diyaarinayasa dalab lacageed oo dhan 30 milyan oo euro oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Riyad Mahrez (Athletic).
Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa la hadli doona Mahrez si uu ugala hadlo xiisaha uga imanaya sucuudiga (Mirror).
Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Neymar si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub (Le Parisien).
Kooxda Al-Ittihad ayaa dalab 40 milyan ah ka gudbinaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho (Athletic).
Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ogolaaday heshiis 3 sano ah oo uu ugu biirayo koxda Al-Ettifaq (Guardian).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa bartimaameed u noqday kooxda Barcelona (Sport).
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saaxiixa xiddiga kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Mirror).
Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana (Fabrizio Romano).
Kooxda Man United ayaa laga diiday dalab lacag iyo xiddig ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atalanta ee Rasmus Hojlund (Athletic).
Xiddiga daafaca uga ciyaara man City ee Kyle Walker ayaa heshiis la gaadhay kooxda Bayern Munich (90min).
Kooxda Liverpool ayaa baanka u jabin doonta saxiixa xiddiga Moises Caicedo (90min).
Tababaraha Kooxda PSG ee Luis Enrique ayaa doonaya in uu weerar ku qaado Real Madrid oo uu ka doonayo saxiixa xiddiga Thibaut Courtois (Defensa Central).
Kooxda Bayern Munich ayaa dalab 100 milyan ah ka gudbinaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni (SPORT).
Kooxda Man United ayaa Galatasaray ka diiday dalab ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Fred (90min).
Kooxda Al Ettifaq ayaa diyaar u ah in ay dalab 10 milyan ah ka gudbiso saxiixa Jordan Henderson (90min).
Sii Akhriso: Qarax Is Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaad.
Related