Muqdisho (soomaalinews.com) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa ku wajahan dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo dhowr cisho ah, sida ay ogaatay soomaalinews.com.

Safarka Mahad Salaad ee Mareykanka ayaa imanaya kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegay in Mahad uu tegi doono magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeelanayo madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doona dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka.

Mahad ayaa sidoo kale waxa uu warbixin ka siin doonaa xaaladda amni ee dalka iyo gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo galay wejigii labaad, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamada dalalka deriska.

Muddo aad u fog ma dhicin in CIA-da ay casuunto taliye Sirdoon oo Soomaali ah, dhowr taliye oo hore iskugu dayay inay Mareykanka wada-shaqeyn dhow la yeeshaan, ayaa dhamaan helin wax kalsooni iyo kulamo ah.

Maanta in albaabada laga furo Sirdoonka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ay keentay ka go’aanshaha dowladda ee dagaalka Shabaab iyo tallaabooyinka ay u qaaday dhanka xaqiijinta amniga iyo helista xogaha sirdoon.

Duqeymaha la fuliyay intii uu socday dagaalka Al-Shabaab, oo ay iska kaashadeen hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay sahashay in CIA-da ay casuunto taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugida Mahad Maxamed Salaad.

Isku soo dhawaanshahan ayay dowladda federaalka ka qabta rejo badan inuu caawin karo Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, tababarada iyo cilaaqaadka adduunka.

Si kastaba, Socdaalka agaasimaha hay’adda NISA ee Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli uu Mareykanka duqeyn cirka ah ka fuliyay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna weerarkan ku yimid iskaashiga labada dhinac.





Source link