Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Everton ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa daafaca kooxda Man United ee Harry Maguire (Football Insider).
Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga Crystal Palace ee Michael Olise (Mirror).
Kooxda PSG ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto xiddiga kooxda Benfica ee Goncalo Ramos (L’Equipe).
Kooxda chelsea ayaa rajaynaysa in ay xiddiga Romelu Lukaku ku badasho Dusan Vlhaovic (Romano).
Kooxda Arsenal ayaa dalab furitaan ah ka gudbisay saxiixa Goolhayaha Kooxda Brentford ee David Raya (Fabrizio Romano).
Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Bayern Munich ee Leon Goretzka oo aan ka qayb ahayn qorshaha Thomas Tuchel (Sky Germany).
Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab kama dambays ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Romeo Lavia (Roman).
Xiddiga kooxda Barcelona ee Franck Kessie ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ahli (Athletic).
Tababaraha Man City ee Pep Guardiola Ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ku dhawdahay saxiixa xiddiga Josko Gvardiol (90min).
Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqday saxiixa Goolhayaha Kooxda Fenerbahce Altay Bayindir (Sportmole).

Related



Source link