Washington (soomaalinews.com) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Washington, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku saabsan xaaladd Soomaalya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta Pentagon-ka kula kulmay wasiirka difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka.

Inta uu kulanka socday, waxaana looga hadlayarrimaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan galaya wajigiisa labaad.

Madaxweynaha oo madasha ka hadlay ayaa Lloyd Austin uga warbixiyay wasiirka guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, dadaallada dowladdiisa ay ku doonayso inay qaado wajiga labaad ee howlgalka milatari, si dalka oo dhan looga ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday qorshaha amniga guud ay kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya, maadaama ay baxayaan kuwa ATMIS.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Washingtin kula kulmay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, iyaga oo yeeshay wadahadalo dhinacyo kala duwan ah oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya,

Linda ayaa Xasan Sheekh ku boggaadisay sida ay uga go’an tahay dib u heshiisiin qaran iyo horumarada laga sameeyey hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa ay sidoo kale ballan qaaday in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay inuu garab istaagto yoolasha xilliga kala guurka amniga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka la gaaro bisha December ee sannadka 2024.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii daray in Mareykanka uu wax kala qaban doono arrimo bani’aadanimada, gaar ahaan cunto yarida ka jirta Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanak ayaa kamid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka.





Source link