Hargeysa (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa tacsi u diray ganacsatada magaalada Jigjiga oo xalay hanti badan ku waayey dab xoog leh oo baabi’iyey suuqii ugu weynaa magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Somaliland ay reer Jigjiga u gurma doonto inta ay karto, isagoo sheegay in xalay intii uu socday dabkaas ay gaarsiiyeen gurmad intii ay awoodeen.

“Aadbaan uga damqanay dabkii qabsaday suuqa Jigjiga, dhamaan suuqaasi waa gubtay, laakiin Alle mahadiis khasaare nafeed maanu sababin,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in gurmadkii xalay mid ka baaxad weyn ay qorsheynayaan inay Jigjiga gaarsiiyaan, “Wixii tabarteena ah la kala hari meyno oo waa la qeybsaneynaa dhibka gaaray, xalayna waan gurmanay,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa hadalkaan ka jeediyey suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla magaalada Hargeysa, kaas oo maanta uu dhagax-dhigay, kadib markii uu burburiyey dab xoog leh oo ka kacay goor habeen ah.

Sanad iyo seddax bilood ka hor 1-dii bishii Abril ayuu gubtay suuqa Waaheen ee maanta uu dhagax-dhigay Madaxweynaha Somaliland, markii uu gubtay suuqaasi dadka Soomaaliyeed ayaa meel kasta uga soo gurmaday reer Hargeysa.

Dab lamid ah kii burburiyey suuqa Waaheen ee Hargeysa ayaa xalay ka kacay Jigjiga, waxaana aad u yar gurmadka ilaa hadda gaaray dadkii uu ceyteeyey dabkaasi.

Inkastoo laga rajo qabo in meelo kala duwan uu gurmad uga yimaado hadda kadib, hadana reer Jigjiga waxaa la sheegay in dhanka Somaliland oo kaliya uu gurmad uga yimid, waxaana hadda meelaha qaar ka socda abaabulka gurmad loo fidinayo dadkii ay hantidoodu gubatay.

Muqdisho, Hargeysa, Jigjiga, Islii – Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida ay degto waxaa inta badan sidaan oo kale uga dhashay suuqayada dab la xakameyn waayo ilaa uu burburiyo hantida taalla suquqaas.

Inkastoo aan weli la garan sababta rasmi ah ee dabkaan, hadana waxaa loo arkaa in magaalooyinka Soomaalida ay leeyihiin ganacsiyo ciriiri ah oo aad u camiran, taas oo sababta in gurmadku gaari waayo goobaha qaar ee hadba suuqii gubta.

Hoos ka daawo Muuse Biixi





Source link