Beledweyne (soomaalinews.com) – Ciidamo deegaanka ah oo boqlaal ah ayaa maanta lagu soo badhigay deegaanka Qawl oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka qayb qaadanayaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan deegaanada ku teedsan jinka wabiga Shabelle ee maraya gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye oo kamid ah waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa dardaaran culus u jeediyay ciidamadan, wuxuuna sheegay in laga rabo inay dhameystiraan inta yar ee ay hadda xoogaga Al-Shabaab ka joogaan gobolka, si looga sifeeyo.

“Waxaa la rabaa inaa jihaadiin, waana xaq jihaadku maanta Somalia jihaad ayay ku jirtaa, Shabaab cabsidiisa iyo in wax laga tari karo, uuna xabad tareyn Xawaadle ayaa tusay” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay mid kamid ah saraakiisha ciidanka Macawiisleyda ee lagu diyaariyay halkaasi, wuxuuna sheegay in u midoobeen la dagaallanka Al-Shabaab.

“Intaan ma yaro waa rag walaal ah oo cadowga u midoobay oo Shabaab inay iska xoreeyaan oo waddanka ka baxsho ugu talagalay” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka saarin doonaan aagga wabiga, si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay haaatan kooxda ka wado halkaasi.

“Nimankan hadda waxa ay joogaan dhagaxa dhaga-cadkaa ka soko ma joogaan, waa inaan dhagaxaas ka raacdeynaa oo wabiga dhaafinayaa” ayuu sii raaciyay.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waana gobolka uu ka billowday, ayada oo haatan mar kale ay dadka deegaanka geli doonaan dagaalka, taas oo ku timid wadahadalkii uu madaxweyne Xasan la yeeshey siyaasiyiinta beesh Xawaadle.





Source link