Muqdisho (soomaalinews.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn u boggaadiyay doorashada maanta ka qabsoomtay deegaanada Puntland, taasi oo loogu dareeray cod-bixinta doorashada dowladdaha hoose ee maamulkaasi.

Kheyre ayaa maanta ku tilmaamay inay tahay maalin weyn oo taariikhi ah, taasi oo mudan in lagu xuso diiwaanka cusub iyo sooyaalka dib-u-dhiska dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

“In dad ku dhow afar boqol oo kun oo muwaadiniin Soomaliyeed ah ay doortan madaxdooda waa guul la hubiyay, oo mudan boggaadin iyo garab istaag,” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ku yiri qoraal uu kasoo saaray doorashada maanta looga dareeray Puntland.

“Waxaan hambalyo u diraya guud ahaan shacab-weynaha Soomaaliyeed ee reer Puntland, si gaar ahna waxaan u boggaadinayaa guddiga doorashada, xisbiyada iyo maamulka oo ka dhabeeyay in muwaadiniintu helaan xaqooda dastuuriga ah ee dhigaya in ay doortaan madaxdooda si loo helo hoggaan tayo leh, lala xisaabtami karo, kuna yimid rabitaanka bulshada.”

Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in dhacdadan taariiikhiga ah ay farxad galineyso qof kasta oo rejo ka qaba inay Soomaaliya ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, “oo saldhiga tartankeedu yahay in shacabka lagu kasbado hufnaan maamul, daacadnimo, aqoon iyo amaano.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu siyaasiyiinta reer Puntlnad iyo maamulkaba ugu baaqay in wixii khilaaf ah ee taagan lagu xaliyo miiska wada-hadalka, ayada oo loo turayo nabadda.

“Shaqo walba oo la qabanayo waa yeelan kartaa dul duleel iyo dhaliil, waxaanna ugu baaqaya dhammaan siyaasiyiinta reer Puntland in mad-madowga siyaasiga ah lagu xaliyo wadahadal, isu-tanaasul iyo sharciga qoran, loona turo nabadda iyo horumarka ay heysato Puntland.”

“Hambalyo Puntland, Hambalyo Soomaaliya, Hambalyo Dimuqraadiyadda iyo awoodda shacabka.”

Deegaanada Puntland ayaa waxaa maanta looga dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, taasi oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee ka jira Puntland.

Illaa 30 degmo ayay ka qabsoomayaan doorashooyinka, kuwaas oo ay saaka dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan.

Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, taasi xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.





Source link