Qoyska Glazer ayaa Manchester United ka saaray suuqa ka dib markii ay dadka doonaya iibsiga kooxda ku fashilmeen in ay bixiyaan 10 bilyan oo euro sida ay wararku sheegayaan.
United ayaa suuqa la dhigay bishii November ee la soo dhaafay iyada oo Glazers ay ku dhawaaqday qorshayaal ay ku joojinayso xukunkooda.
Milkiilayaasha Qatar iyo waliba milkiilaya reer England ah ayaa ku tartamayay iibsiga kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay Mailonline, milkiilayaasha kooxda ee Glazers ayaa haatan soo afjaraya qorshaha iibka kooxda Man United.
Milkiilayaasha ayaa doonaya in ay sii haystaan kooxda kooxda maadama ayna cidna gaadhin lacagtii ay doonayeen.
Related