Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ku jira wakhti adag oo uu ku qaadanayo kooxda Man United sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka xun ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.
Manchester United ayaa sabtidii hore guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Tani waa guuldaradii seddexaad ee Manchester United xilli ciyaareedkan ka dib markii ay sidoo kale guuldarooyin kala kulmeen Tottenham Hotspur iyo Arsenal.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, maamulka Manchester United ayaa kalsooni buuxda ku qaba Ten Hag.
Manchester United ayaa bilaabeysa ololaheeda Champions League berri oo arbaco ah iyaga oo la ciyaari doona Bayern Munich wareega group-yada.
Manchester United ayaa laba guul oo kaliya gaadhay tan iyo bilawgii xiliciyaareed kaan, waxayna ka badiyeen kooxaha Wolves iyo Nottingham Forest.
Related