Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Juventus ayaa u sheegtay chelsea in ay heli karaan xiddiga Dusan Vlahovi hadii ay miiska soo saaraan Romelu Lukaku iyo 25 milyan (Corriere dello Sport).
Laakiin Lukaku ayaa doonaya in uu qaab toos ah ugu ciyaaro kooxda Inter Milan (Telegraph).
Chelsea ayaa Inter u sheegtay xiisaha Juventus ee Lukaku si ay kor ugu qaado qiimaha xiddiga (Tuttosport).
Bayern Munich ayaa dalab 70 milyan iyo gunooyin ka gudbisay xiddiga kooxda Tottenham (Guardian).
Tababaraha Kooxda Al-Ettifaq ee Steven Gerrard ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno xiddiga Crystal Palace ee Wilfried Zaha (Mail).
Kooxda man United ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ay ka gudbinayso xiddiga Atalanta ee Rasmus Hojlund Kadib markii ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga (Nicolo Schira).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Fred ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Fulham (Fabrizio Romano).
Kooxda PSG ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga kooxda Napoli ee Victor Osimhen hadii uu Kylian Mbappe ka tago kooxda (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Bayern Munich ayaa xiddiga Marcel Sabitzer ka iibinaysa kooxaha horyaalka Talyaaniga (Calciomercato).
Xiddiga Jurrien Timber ayaa ku laabtay dalka Holland si uu u macasalaameeyay saaxiibadiisa ajax (Metro).
Kooxda Real Madrid ayaa meesha ka saartay saxiixa Kylian Mbappe suuqa xagaagan laakiin waxa ay wadahadalo la yeelan doonaan PSG suuqa January (Marca).
Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford si ay ugu badalaan Kylian Mbappe (BILD).
Kooxda Man City ayaa wadahadalo la bilowday xiddiga kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol (Manuel Veth).
Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in ay 50 milyan ku iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Chiesa (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Real Valladolid ee Ivan Fresneda (Mundo Deportivo).
Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni iyada oo diyaarinaysa lacag dhan 77.4 milyan euro (Defensa Central).
Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 30 milyan kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey (The Sun).

Related



Source link