Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu si weyn uga fiirsanayo inuu ka tago Bernabeu xagaagan si uu lacag badan ugu dhaqaaqo Saudi Arabia.
Xiddiga reer Croatia ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Los Blancos intii lagu jiray xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo ciyaaray 52 kulan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 6 gool halka uu caawiyay 6 kale.
Warar badan ayaa sheegayay in xiddiga 37 jirka ah diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid.
Laakiin Mdroc ayaa haatan la sheegayaa in uu si dhab a uga fikirayo in uu ka tago Real Madrid iyada oo heshiiskiisa haatan dhacayo dhamaadka bishan haatan lagu jiro.
Sida laga soo xigtay COPE, xiddiga khadka dhexe ayaa haatan ka fikiraya in uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga waxana uu go’aan gaadhi karaa maalmaha soo socda.

Related



Source link