Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa sheegay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.
Waxa la soo saaray Liiska 30-ka xiddig ee u tartamaya abaalmarinta oo la shaacin doono Todobaadyad soo socda.
“Waan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo 30-ka xiddig ee u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or-ka sidoo kale in uu Gvardiol ku jiro xiddigaha u tartamaya abaalmarinta kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay”.
“Sidoo kale waxaan ku faraxsanahay Livakovic oo loo magacaabay liiska Goolhayayaasha ugu fiican adduunka”ayuu sii raaciyay.
Related