Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique kaas oo noqonaya tababaraha cusub ee kooxda France.
Paris Saint-Germain ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay shaqada ka cayrisay Christophe Galtier oo haatan ah tababaraha kooxda laakiin wararka oo dhan ayaa xaqiijinaya in aanu sii hayn doonin booskiisa isla markaana uu Enrique la wareegi doono hogaanka kooxda xagaagaan
Sida laga soo xigtay “RMC”, Enrique waxa uu dhowr maalmood deegaan ka raadinayey Paris.
Arintan deegaan raadinta waxa ay marqaati ka noqoneysa in tababarahaan uu ku wajan yahay laylinta PSG
Warbixinta ayaa sheegeysa, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, in ku dhawaaqista imaatinka Luis Enrique ay dhacdo 3-da Luulyo halak tababarka guud ee kooxdana la filayo in uu biloowdo 10-ka June

Related



Source link