Kooxd Liverpool ayaa si maldahan u xaqiijisay in daafaca Nat Nat Phillips uu isaga tagayo kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa dhexda uga jira dib u dhiska kooxda kadib markii ay kaalinta 5aad kaga dhamaysteen horyaalka premier league xilli ciyaareedkii hore
Reds ayaa hore ula soo saxiixatay Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai kuwaas oo qiimo ahaan ku yimid £90m laakiin waxa la filayaa in ay saxiixyo cusub yimaadaan gaar ahaan khadka dhexe ama daafaca dhexe.
Klopp ayaa sidoo kale u ogolaaday tiro ciyaartoy ah oo waa wayn inay kooxda ka tagaan, James Milner, Roberto Firmino, Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dhamaantood baxay bishii hore markii uu dhacay qandaraaskooda.
Waxa dhici karta in ay xiddigo kale ka tagaan kooxda xilli uu klopp doonayo in uu uruuriyo lacago uu suuqa ku galo.
Liverpool ayaa haatan si maldahan u xaqiijisay in uu Nat Phillips ka tagi doono kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Liverpool ayaa magaca xiddiga Nat Phillips ka saartay Liiska Xiddigaha ay taageerayaashu ku daabacan karaan dhabarka maaliyada ay iibsanayaa .
Related