Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Luis Díaz uu kooxda u qaadan doono Lambar cusub xilli ciyaareedka cusub.
Luis Díaz oo dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa kooxdiisa u xidhay No.23 tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.
Laakiin Reds ayaa haatan xaqiijisay in xiddiga Luis Díaz uu kooxda u xidhan doono No.7 wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka dambe.
Lambarka No.7 ayaa noqday mid banaan kadib markii uu James Milner si xor ah uga tagay kooxda markii uu dhacay heshiskiisa kooxda.
Sidaas darteed Reds ayaa sheegtay in uu xiddiga reer Colombia kooxda u xidhan doono Lambarka No.7 kana tagi doono Lambarkii uu horay ugu xidhnaa kooxda.
Luis Díaz Ayaa rajaynaysa in uu qaab ciyaareed fiican ku bilowdo xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu dhaawac ku seegay intii badnayd xilli ciyaareedkii hore.
Related