Liverpool ayaa wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Ka dib markii ay ka hareen Premier League, Southampton waxay u furan tahay inay iibiso Lavia xagaagan laakiin waxay dalbaneysaa 45 milyan oo euro.
19-sano jirkaan, ayaa Saints ugu soo biiray heshiis 14 milyan ah isaga oo kaga soo biiray Man City waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay si ay ula saxiixan lahayd Lavia xagaagan laakiin kooxda Arteta ayaa muhiimada siinaysa Declan Rice.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga Lavia waxayna haatan bilaabeen wadahadalo ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xiddiga.
Related