Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Benjamin Pavard sida laga soo xigtay Christian Falk.
Saxafiga Christian Falk Oo u shaqeeya wargayska Sport Bild ayaa yidhi”“Benjamin Pavard ayaa ku wargaliyay kooxda Bayern Munich inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan”.
“Wakiiladiisu waxa ay haatanba la hadlayaan kooxo kala duwan waxana ka mid ah Liverpool oo ah kooxda ugu cad-cad haatan”.
“Markii hore, Chelsea iyo Barcelona ayaa horey loogu ogaa inay xiiseynayaan, sidoo kale kooxaha Talyaaniga AC iyo Inter Milan.”
Liverpool ayaa dhowr todobaad lala xiriirinayay xiddiga reer France laakiin waxa ay haatan u muuqaan in ay wadahadaladu horumar samaynayaan.

Related



Source link